
Khamiis, Luulyo 23, 2026
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada cusub, kaddib markii dhawaan la dhaariyay xubnaha golaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha dowladda, xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa wasiirrada cusub ku adkeeyay inay si hufan oo isla xisaabtan leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana mudnaanta siiyaan adeegga shacabka, horumarinta maamulka, iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada cusub yeeshaan tan iyo markii ay ansixiyeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa inuu bilow u noqdo dardargelinta qorshayaasha cusub ee xukuumadda.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



