
Dowladda Ingiriiska ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay Xuutiyiinta Yemen geysteen, iyadoo ku tilmaantay fal halis ku ah ammaanka gobolka iyo xorriyadda isu socodka maraakiibta caalamiga ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in weerarrada noocan oo kale ah ay khatar gelinayaan maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah, isla markaana ay sii kordhinayaan xiisadda ka taagan Badda Cas.
Ingiriiska ayaa ugu baaqay Xuutiyiinta inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada, ayna ixtiraamaan sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu sii wadi doono la shaqeynta saaxiibadiisa caalamiga ah si loo ilaaliyo amniga marinada muhiimka ah ee badda.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka aloosan gobolka, taas oo saameyn ku yeelanaysa isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



