
Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay si buuxda uga qayb gasho wada-tashiyada lagu go’aaminayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Baaqa ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya door muuqda ku yeelato qorsheynta iyo go’aamada la xiriira howlgalka, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka amniga iyo kala guurka mas’uuliyadaha uu u dhaco si wadajir ah oo waafaqsan mudnaanta Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah uu muhiim u yahay xoojinta amniga, taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo hirgelinta qorshaha kala guurka amniga.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——







