HomeCaalamkaMadaxweynaha Burkina Faso oo diiday hirgelinta Shareecada Islaamka

Madaxweynaha Burkina Faso oo diiday hirgelinta Shareecada Islaamka

Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa sheegay in aan marnaba dalka laga hirgelin doonin Shareecada Islaamka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda diinta.

Traoré ayaa sheegay inuu isweydiinayo sababta ku dhowaad 800 oo arday oo u dhashay Burkina Faso ay ugu doorteen inay Shareecada Islaamka ku bartaan Sacuudiga, halkii ay ka baran lahaayeen xirfado gacanta ama aqoon wax ku ool ah oo ka qeyb qaadan karta horumarinta dalka.

Waxa uu sidoo kale kula taliyay ardaydaas inaysan dalka ugu soo laaban ujeeddo ay ku hirgelinayaan Shareecada Islaamka, isaga oo caddeeyay in Burkina Faso ay sii wadi doonto ku dhaqanka nidaamkeeda sharciyeed ee hadda jira.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in qof kasta uu xor u yahay inuu diintiisa ku dhaqmo, balse wuxuu adkeeyay in maamulka Burkina Faso aanu ku saleysnaan doonin Shareecada Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments