Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Daahfurtay Tababar sare loogu qaadayo tayada, aqoonta iyo xirfadaha ardayda wax ku barata Salaam Foundation.

Screenshot

Tababarkan oo socon doono laga bilaaba 25ka bisha july iilaa 30ka Bisha ayaa waxaa ka qeybgalay aradayda wax ku barata deeqda waxbarashada hormuud salaam foundation iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta tayada waxbarasho, kobcinta xirfadaha hoggaaminta, hal-abuurka iyo sidii ardayda loogu diyaarin lahaa fursadaha shaqo ee mustaqbalka.

Mas’uuliyiinta Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay in qabashada tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee hay’addu ku taageerto ardayda Soomaaliyeed, si loo helo jiil leh aqoon iyo xirfad sare oo ka qeyb qaata horumarka dalka.

Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi, ayaa ugu horeen faafahin kabixiyay tababarkan.

Dr. Xasan Maxamed Sayid oo ah Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha ayaa dhankiisa muujiyay muhiimada tababarkan.

Ardayda ka qeyb galaysa tababarkan ayaa dhankooda soo dhaweeyay barnaamijkan, iyagoo xusay in uu wax weyn ka tari doono kor u qaadidda tayadooda waxbarasho iyo horumarinta kartidooda shaqsiyeed.

Tababarkan ayaa muujinaya doorka muhiimka ah ee Hormuud Salaam Foundation ay ku leedahay taageerada waxbarashada iyo awood-siinta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo sii xoojinaysa dadaallada lagu dhisayo mustaqbal ifaya oo ay hoggaaminayaan arday aqoon iyo tayoleh.

Halkaan ka daawo https://www.facebook.com/share/v/1DUfwWLxPK/?mibextid=wwXIfr

Hot this week

10 Calaamadood oo Jirkaagu Kuu Digniinayo Ka Hor Istaroogga, Ha Iska Indha Tirin

Istarooggu waa xaalad caafimaad oo degdeg ah oo dhacda...

IMAARAADKA OO DIB U DARDARGELINAYA XIRIIRKA IIRAAN.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday inay si tartiib ah...

Madaxweynaha Burkina Faso oo diiday hirgelinta Shareecada Islaamka

Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa sheegay in aan...

PUNTLAND OO GACANTA KUSOO DHIGTAY EEDAYSANE LOO HAYSTO DILKA SADDDEX QOF OO SHACAB AH.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO LIISKA CUNAQABATAYNTA MAALIYADEED KU DARTAY LAFTAGAREEN IYO TALIYE SHUB

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY SAFIIRKA CUSUB EE TÜRKİYE U FADHIYA SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir...

Shir looga hadlaayay u Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya oo Maanta ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle,...

WASIIR BASHIIR GOOBE OO KU BA AQAY XAL WAARA OO LOO HELO AAFOOYINKA SOOMAALIYA

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

WASIIR BEENEBEENE OO KA HADLAY FAA’IIDOOYINKA SOOMAALIYA KA FILAYSO XUBINNIMADA BULSHADA BARIGA AFRIKA

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...

JOSEPH KABILA OO LOO MAGACAABAY HOGGAAMIYAHA DHAQDHAQAAQ CUSUB OO SIYAASADEED IYO MILATARI AH

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph...
spot_img

Related Articles

Popular Categories

spot_imgspot_img