HomeWarkaDEG-DEG: XAMZA CABDI BARRE OO SI AAN HORE LOO ARAG LOOGU SOO...

DEG-DEG: XAMZA CABDI BARRE OO SI AAN HORE LOO ARAG LOOGU SOO DHAWEEYAY LAASCAANOOD, BOOQASHADIISA OO XAMBAARSAN FARIMO SIYAASADEED IYO QORSHEYAAL AMNI.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Booqashada ayaa ku soo beegantay iyadoo maamulka Waqooyi Bari uu u dabaaldegayo sanad-guuradii koowaad ee aasaaskiisa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu shacabka uga mahadcelinayo soo dhoweynta diirran, isla markaana uu kala qeybgalayo munaasabadda sanad-guurada.

Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, waxaa la filayaa inuu daah-furo adeegyo bulsho, la kulmo madaxda maamulka, kana wada hadlaan xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta adeegyada iyo arrimaha amniga.

Safarkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay maamulka Waqooyi Bari iyo qorshaha lagu horumarinayo deegaannada maamulka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments