HomeWarkaPuntland iyo Dowladda Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga amniga

Puntland iyo Dowladda Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Boosaaso kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, saraakiil ciidan iyo la-taliyeyaal, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Mareykanka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, kor u qaadista wada-shaqeynta dhanka amniga, iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Intii uu kulanku socday ayaa sidoo kale la kala saxiixday heshiis cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiiskaasi wuxuu Dowladda Mareykanka u oggolaanayaa inay ballaariso saldhiggeeda ku yaalla magaalada Boosaaso, si loo xoojiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta amniga badaha gobolka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu ka go’an yahay sii wadista la dagaallanka argagixisada iyo cid kasta oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments