Qarax miino oo xooggan ayaa maanta lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, xilli uu marayay deegaan ka tirsan gobolka Bari. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xogaha ugu horreeya ee laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in inta badan askartii saarneyd gaariga ay ku geeriyoodeen halka uu qaraxu ka dhacay, halka tiro kale oo ciidamada ka tirsan ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, wararka deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan siddeed askari ay dhinteen.
Ilaa iyo hadda, maamulka Puntland ma uusan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya dhacdada, mana jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan tirada dhimashada, dhaawacyada ama cidda ka dambeysay weerarka.
Qaraxan ayaa dhacay xilli magaalada Boosaaso uu ka socdo kulan muhiim ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo saraakiil sare oo ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinaca la dagaallanka kooxaha hubeysan.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, mas’uuliyiinta Puntland iyo wafdiga Mareykanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysan karto howl-gallada socda.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay hakiyay duqeymihii cirka ee uu ka fulin jiray fariisimaha Daacish ee Puntland, iyadoo arrintaasi lagu macneeyay dib-u-eegis lagu sameynayo istaraatiijiyadda howl-gallada militari ee gobolka.
Wararka amniga ayaa sidoo kale tilmaamaya in isbeddello ku yimid dhaq-dhaqaaqa ciidamada Puntland ay saameyn ku yeesheen howl-galladii ka dhanka ahaa Daacish. Kooxda ayaa weli ku sugan qaybo ka mid ah buuraha Calmiskaad, halkaas oo muddo bilo ah ay ka socdeen dagaallo culus iyo duqeymo isdaba joog ah.
Maalmihii ugu dambeeyay, ciidamada ku sugnaa furimaha hore ayaa qaarkood dib loogu celiyay gudaha Puntland si ay uga qeyb qaataan munaasabadda xuska sanad-guuradii 28-aad ee aas-aaska Puntland, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto amniga furimaha dagaalka.



