HomeWarkaDEG-DEG: Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Magacaabay.

DEG-DEG: Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Magacaabay.

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta si rasmi ah u magacaawday Guddiga qabanqaabinaya Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Magacaabista guddigan ayaa qeyb ka ah dardargelinta geeddi-socodka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo guddiga loo xilsaaray diyaarinta iyo maareynta dhammaan howlaha la xiriira qabsoomidda doorashada, si waafaqsan Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo habraacyada u degsan Baarlamaanka.

Guddiga la magacaabay ayaa la filayaa inay si degdeg ah u guda galaan waajibaadkooda, ayna soo diyaariyaan jadwalka iyo habraaca doorashada, si ay Xildhibaannada Golaha Shacabku ugu doortaan guddoomiye cusub.

Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay si rasmi ah loo furay Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanku wuxuu hadda isu diyaarinayaa qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si loo dhammeystiro hoggaanka Golaha loona dardargeliyo sii socoshada howlaha sharci-dejinta iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inta lagu guda jiro kalfadhigan cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments