HomeWarkaDagaal Culus Oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

Dagaal Culus Oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

Dagaal culus ayaa maanta ka socda deegaanka u dhexeeya Maxaas iyo Teedaan ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Macawiisleyda oo dhinac ah, iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday barqanimadii maanta, isla markaana ay dhaceen qaraxyo iyo iska horimaadyo xooggan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay inay sii wadaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la soo wariyay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ka socdaan aagga dagaalka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ama natiijada dagaalka, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah la helo saacadaha soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments