Muqdisho ayaa si rasmi ah martigelisay Shirka Khubarada Militari ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo hordhac u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed mideysan oo lagu fulinayo go’aannadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee dalalka taageera AUSSOM, kaas oo dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Intii uu socday kulanka, khubaradu waxay ka wada hadleen dardargelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagista xogaha sirdoonka, iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinacyada ciidamada, agabka iyo taageerada ay bixiyaan dalalka ka qeyb qaadanaya hawlgalka.
Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Militari, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshaha la diyaarinayo uu xoojin doono wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM iyo dalalka taageeraya howlgalka.
Sarreeye Gaas Bariise ayaa xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadan doono dardargelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wiiqidda awoodda kooxda, iyo adkeynta amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.




