Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso ciidamada ammaanka ee ka howlgala deegaannada ku teedsan xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii ay soo bateen weerarro ay mas’uuliyaddooda sheegatay AS.
Warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegtay in ciidamada dheeraadka ah ay isugu jiri doonaan boolis iyo cutubyo kale oo amni, kuwaas oo loo daabulayo deegaannada loo arko inay khatar amni ka jirto si loo xoojiyo sugidda amniga.
Ciidamadan ayaa la filayaa inay fuliyaan howlgallo baaritaan iyo roondooyin joogto ah oo laga sameynayo deegaannada lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan AS. Dowladda Kenya ayaa aaminsan in kooxdaasi halkaas ka abaabusho weerarro lagu beegsado ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.
Sidoo kale, ilo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne William Ruto loo gudbiyay qorsheyaal cusub oo lagu xoojinayo amniga dalka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo ka hortagga weerarrada AS iyo sare u qaadidda awoodda ciidamada ka howlgalaya gobollada xuduudda.
Qorshayaashan ayaa kusoo aadaya xilli Kenya ay wajahaysay weerarro amni oo soo noqnoqday, kuwaas oo inta badan ka dhacay gobollada waqooyi bari, gaar ahaan deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.
Maalmo ka hor, AS ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo ka dhacay degmada Mandheera. Dowladda Kenya ayaan weli shaacin in la qabtay cid lala xiriirinayo weerarkaas, inkastoo howlgal ballaaran oo amni la sameeyay kadib dhacdada.
Kenya ayaa muddo dheer waday howlgallo ka dhan ah AS gudaha dalkeeda iyo Soomaaliya, iyadoo dowladda Nairobi ay marar badan ku celcelisay inay sii xoojin doonto tallaabooyinka lagu sugayo amniga xuduudaha iyo ka hortagga weerarrada kooxda.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——




