Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin ku xeeran deegaanka Basro oo u dhexeeya gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo iyo fariisimo ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay gabaad iyo isku abaabul, iyadoo ciidamada ay ka sameeyeen deegaannadaasi howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna wiiqayo dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada ay ciidamada ka howlgalaan.
Waxay sidoo kale xuseen in howl-galladan ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro kooxaha hubeysan ee weli ku sugan deegaannadaasi.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu burburinayo fariisimada kooxda isla markaana lagu xoojinayo amniga shacabka.




