Beesha Caalamka ayaa, sida xogaha la helayo tilmaamayaan, ku raacday Mucaaradka in nidaamka xisbiyada aan lagu salayn doorashada Xildhibaanada Federaalka iyo mida Madaxweynaha.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in arrintan ay ka mid tahay qodobada muhiimka ah ee doodaha siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay weli isku hayaan qaabka loo wajahayo doorashada iyo nidaamka lagu geli doono.
Waxaa sidoo kale jira dhowr soo jeedin oo ay Beesha Caalamku ku raacday Mucaaradka, halka qaar kalena ay Dowladda Federaalka ku raacday. Qodobadan ayaa la xiriira habraaca doorashada, nidaamka siyaasadeed iyo sida loo maareynayo khilaafaadka ka taagan geeddi-socodka doorashada.
Wararka hoose ee laga helayo kulamada iyo wada-xaajoodyada socda ayaa tilmaamaya in weli ay jiraan qodobo la isku fahmay iyo kuwo u baahan in dhinacyadu ka heshiiyaan.
Faahfaahinta qodobada Mucaaradka lagu raacay, kuwa Dowladda lagu raacay iyo waxa ay tani uga dhigan tahay doorashada Xildhibaanada Federaalka iyo mida Madaxweynaha,



