Ilo wareedyo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ama berri safar ku tagi karo deegaanno ka tirsan Galmudug.
Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu safarkiisa dhulka ah ku mari doono magaalooyinka Gaalkacyo, Cabudwaaq, Cadaado iyo Galdogob, halkaas oo la sheegay inuu kulamo kula yeelan doono saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin ku sugan deegaannadaasi.
Sida ay ilo wareedyadu sheegayaan, kulamada Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amniga, howlaha ciidamada iyo arrimo la xiriira xaaladda guud ee deegaannada Galmudug.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo xaqiijinaya waqtiga iyo jadwalka safarkan. Wararkan ayaa weli ah kuwo hordhac ah oo aan si rasmi ah loo xaqiijin



