HomeWarkaNatiijada Imtixaanka Qaranka oo la shaaciyay

Natiijada Imtixaanka Qaranka oo la shaaciyay

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka ee fasalka 12-aad, sanad-dugsiyeedka 2025/2026

Wasaaraddu waxay sheegtay in imtixaanka ay Baasen 40,037 arday, halka 2,879 arday aysan Baasin. Imtixaanka ayaa laga qaaday dhammaan gobollada dalka, iyadoo Wasaaraddu sheegtay in si habsami leh oo hufan loo maamulay.

Ardayga kaalinta koowaad ee galay ayaa noqday Maxamed Ciise Daahir Yuusuf oo ka socday Dugsiga Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, isagoo helay 94.14%.

Kaalinta labaad waxaa gashay Farxiya Faarax Cumar Igaal oo ka socotay Dugsiga Axmed Bin Xambal ee Jubbaland, iyadoo heshay 93.71%, halka kaalinta saddexaad ay gashay Amiino Khaliid Cabdalla Axmed oo ka socotay Dugsiga Imaam Shaafici ee Gobolka Banaadir, iyadoo heshay 92.57%.

Gabdhaha ayaa si weyn uga dhex muuqday tobanka arday ee ugu sarreeya natiijada, iyadoo ay heleen 6 ka mid ah 10-ka kaalmo ee hore, oo ay ku jiraan kaalmaha labaad, saddexaad iyo afraad.

Kaalinta afraad waxaa gashay Maryo Xasan Maxamed Jaamac oo ka socotay Dugsiga SYL ee Gaalkacyo, iyadoo heshay 92.43%. Saddexda kaalmo ee ugu dambeeya tobanka hore waxaa wada galay Deeqa Cali Mukhtaar Maxamed, Hani Maxamed Cali Jaamac iyo Nahwo Xasan Cabdullaahi Tahlil, kuwaas oo dhammaantood helay 91.29%.

Tobanka arday ee ugu sarreeya ayaa ka kala yimid shan dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale ka mid ah Khadar Mursal Aadan Artan oo ka socday Dugsiga Al-Furqaan, kaas oo galay kaalinta lixaad isagoo helay 92.14%. Khadar ayaa ka soo jeeda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, oo ah dowlad-goboleedka ugu dambeeyay ee dalka, kaas oo bishan xusay sannad-guuradii koowaad ee aas-aaskiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments