Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Hoggaamiyaha ayaa intii uu booqashada ku guda jiray kulan la qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda SoDMA, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha ay Hay’addu u xilsaaran tahay, gaar ahaan ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, gurmadka degdegga ah iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada ay dhacaan xaaladaha bani’aadannimo.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyay dadaallada ay Hay’adda SoDMA ku bixiso gurmadka iyo maaraynta musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha ku howlan gurmadka iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo diyaar-garowga iyo awoodda looga jawaabayo musiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bani’aadannimo, si gurmad degdeg ah oo hufan loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan.
Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed waxaa booqashada ku wehlinayay Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.



