Xog: Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka u gudbisay soo jeedin cusub oo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka iyo waqtiga doorashada Soomaaliya.
Soo jeedintan ayaa timid xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda dalka, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka qaba qaabka loo maamulayo doorashada, cidda gacanta ku haynaysa guddiyada doorashada iyo shuruudaha looga baahan yahay musharraxiinta.
Qodobada ugu waaweyn ee soo jeedinta Beesha Caalamka waxaa ka mid ah:
- In la sameeyo hal guddi oo doorashada maamula, kaas oo xubnihiisa ay kasoo wada jeedaan dhinacyada siyaasadda, si loo helo guddi ay dhammaan dhinacyadu ku wada kalsoonaan karaan.
- In xildhibaannada aan lagu xirin ku biirista xisbi siyaasadeed, iyadoo musharrax kasta loo oggolaanayo inuu ku tartamo xisbi uu taageero ama uu si madax-bannaan isu sharaxo.
- In doorashada lagu qabto muddo lix bilood ah, si dhinacyadu u helaan waqti kooban oo ay ku diyaariyaan hannaanka doorashada, loogana fogaado dib-u-dhac siyaasadeed oo hor leh.
- In arrimaha farsamada iyo qodobada kale ee weli la isku hayo lagu dhammeeyo wada-hadallo, iyadoo Dowladda iyo Mucaaradka looga baahan yahay inay si toos ah uga wada hadlaan khilaafaadka harsan.
Soo jeedintan ayaa u muuqata isku day lagu doonayo in la isu soo dhoweeyo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, iyadoo la raadinayo xal dhexdhexaad ah oo dhinacyada kala duwan u saamaxaya inay ka tanaasulaan qaar ka mid ah mowqifyada adag ee ay kala taagan yihiin.
Gaar ahaan, soo jeedintu waxay diiradda saaraysaa qodobbada muranka ugu badan dhaliyay, sida qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habka ay musharraxiintu ugu tartamayaan kuraasta Baarlamaanka.
Dhinacyada siyaasadda ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa qaabka loo wajahayo doorashada. Mucaaradka ayaa dalbanayay hannaan ay dhammaan dhinacyadu si siman uga qayb qaataan, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysanaysay in doorashada lagu saleeyo nidaamka iyo qorshaha ay waddo.
Haddii Dowladda iyo Mucaaradku ay aqbalaan soo jeedintan, waxaa suuragal ah in wada-hadallada siyaasadeed ay galaan marxalad cusub, iyadoo diiradda loo weecin karo diyaarinta doorasho lagu qabto muddada lixda bilood ah ee la soo jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga jawaabta rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhinacyada Mucaaradka ay ka bixin doonaan soo jeedinta Beesha Caalamka.
Waxaa sidoo kale la sugayaa natiijada kulamada Dowladda iyo Mucaaradka, kuwaas oo lagu go’aamin doono qodobada weli la isku hayo iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo qeexaya hannaanka doorashada, guddiga maamulaya iyo waqtiga la qabanayo.



