Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday Munaasabadda Qaran ee Daahfurka Sharciga Cadaaladda Daโyarta Soomaaliyeed, taas oo diiradda lagu saarayo xoojinta nidaamka cadaaladda ee la xiriira carruurta iyo daโyarta Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayโadaha garsoorka iyo cadaaladda, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ka wada hadlaya muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ilaalinta xuquuqda iyo mustaqbalka daโyarta Soomaaliyeed.
Sharciga Cadaaladda Daโyarta ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo hannaan cadaaladeed oo si gaar ah uga jawaaba baahiyaha carruurta iyo daโyarta, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xuquuqdooda, dib-u-dhaqaancelinta iyo sidii loo heli lahaa hannaan cadaaladeed oo waafaqsan duruufahooda.
Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u ah dhinacyada ay khusayso arrimaha cadaaladda daโyarta inay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hayโadaha dowladda iyo bulshada, loona hubin lahaa hirgelinta sharciga.
Daahfurka sharcigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhismaha nidaam cadaaladeed oo ilaalinaya xuquuqda carruurta iyo daโyarta, isla markaana ka shaqeynaya in jiilka Soomaaliyeed loo abuuro mustaqbal ku dhisan cadaalad, ilaalin iyo fursado wanaagsan.



