HomeWarkaDr. Maryam Qaasim oo Adkaysay Muhiimadda Hirgelinta Sharciga Cadaaladda Da’yarta

Dr. Maryam Qaasim oo Adkaysay Muhiimadda Hirgelinta Sharciga Cadaaladda Da’yarta

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryam Qaasim, ayaa adkaysay muhiimadda uu leeyahay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, iyadoo tilmaantay in loo baahan yahay hannaan cad oo lagu cabbiro laguna qiimeeyo hirgelintiisa.

Dr. Maryam ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah ay leedahay in la qeexo tilmaamayaasha iyo cabbirrada lagu qiimeynayo natiijada sharciga, si loo ogaado heerka uu ka gaaray ujeeddooyinkii loo dejiyay.

Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in la helo tirakoob iyo xog sax ah, kuwaas oo lagu ogaan karo natiijooyinka iyo saameynta uu sharcigu ku yeesho carruurta iyo da’yarta Soomaaliyeed kaddib marka si buuxda loo hirgeliyo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaantay in xogta la isku halleyn karo ay muhiim u tahay in la qiimeeyo waxqabadka hay’adaha ku shaqada leh cadaaladda da’yarta, lana ogaado meelaha u baahan in wax laga beddelo ama la xoojiyo.

Hadallada Dr. Maryam Qaasim ayaa ku soo beegmaya munaasabadda qaran ee lagu daahfurayo Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, iyadoo sharcigan loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo da’yarta iyo horumarinta nidaamka cadaaladda ee dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments