HomeWarkaTaliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlay Ilaalinta Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlay Ilaalinta Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda, badbaadada iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in carruurta ay yihiin mustaqbalka dalka, sidaas darteedna ay muhiim tahay in loo abuuro jawi ammaan ah oo ay ku helaan daryeel, waxbarasho iyo fursado ay ku dhistaan mustaqbal wanaagsan.

Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa ku baaqay in la xoojiyo diyaar-garowga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in carruurta Soomaaliyeed loo helo daryeel iyo ilaalin ku filan, gaar ahaan carruurta wajahaya duruufo adag iyo caqabado saameyn ku yeelan kara noloshooda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ilaalinta carruurta aysan ahayn mas’uuliyad saaran hal hay’ad oo keliya, balse ay u baahan tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta dowladda, hay’adaha cadaaladda, bulshada iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Hadalkan Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli Muqdisho lagu qabanayo Munaasabadda Qaran ee Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, kaas oo muhiim u ah xoojinta ilaalinta xuquuqda carruurta iyo da’yarta iyo helitaanka hannaan cadaaladeed oo si gaar ah uga jawaaba baahiyahooda.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay ka shaqeeyaan sidii carruurta Soomaaliyeed loo siin lahaa ilaalin iyo daryeel ku filan, maadaama dhismaha mustaqbalka dalka uu si weyn ugu xiran yahay badbaadada iyo horumarka jiilka soo koraya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments