Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ay 17-kii Agoosto 2026 ku dileen degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe mid ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee sida weyn looga yaqaanay deegaanka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo da’diisu ahayd 50 sano, kuna dhashay degmada Ruunirgood.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Xasan Xusuleey uu ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu mas’uul ka ahaa gaadiidka kooxda ee gobolka. Sidoo kale, waxaa la sheegay inuu horey u soo noqday madaxa waxa kooxda ay ugu yeerto Sakawaadka degmada Ruunirgood.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, labada dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kaddibna kala wareegay qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in Xasan Xusuleey uu dhibaatooyin kala duwan u geysan jiray dadka ku nool degmada Ruunirgood iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhac loo geysto hantida iyo xoolaha shacabka, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka.
Dowladdu waxay intaas ku dartay in falalkaasi ay sababeen in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay ka barakacaan degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay tallaabada ay qaadeen labada dhallinyaro ah, iyadoo sheegtay in ay muujinayso doorka shacabka deegaanka ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe ku celcelisay baaqyo ku aaddan in bulshada Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo soo celinta amniga iyo xasilloonida dalka.




