HomeWarkaWasiirka Gaashaandhigga oo Kormeeray Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga oo Kormeeray Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Takuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Danab ee Ururka 163-aad, Guutada 16-aad, oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda ciidamada, howlaha ay hayaan iyo heerka diyaar-garowgooda.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor loogu qaadayo isku-duubnida ciidamada iyo dardargelinta howlaha amni ee dalka.

Wasiirka iyo saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale qiimeeyay xaaladda guud ee ciidamada iyo baahiyaha jira, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada loo diyaariyo gudashada waajibaadkooda qaran.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sare u qaadidda diyaar-garowga cutubyada kala duwan ee ciidamada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments