Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Mohammed Almowallad.
Kulanka ayaa bilowgiisii Safiirku ugu hambalyeeyay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur doorashadiisa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo arrimaha ay labada dhinac dan wadaagga ka leeyihiin.



