Soomaaliya iyo Türkiye ayaa maanta xusaya 15 sano guuradii ka soo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalad bani’aadannimo oo aad u adag.
Booqashadaas oo dhacday 19-kii Agoosto 2011, xilligaas oo Erdoğan uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Türkiye, ayaa loo arkaa dhacdo muhiim ah oo wax weyn ka beddeshay xiriirka labada dal, iyadoo Türkiye ay si muuqata uga qeyb qaadatay dadaallada bani’aadannimo, dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Booqashada ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay la daalaa-dhacaysay abaar iyo macluul baahsan, waxaana kadib Türkiye ay bilowday howlo ballaaran oo dhinacyada gargaarka, caafimaadka, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ah.
15-kii sano ee lasoo dhaafay, xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye wuxuu ka gudbay iskaashi bani’aadannimo, isagoo gaaray dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, difaaca, dhaqaalaha, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta iyo arrimaha badda.
Labada dal ayaa sidoo kale sannadihii dambe xoojiyay iskaashigooda istiraatiijiga ah, iyadoo heshiisyo cusub lagu ballaariyay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Soomaaliya ayaa Türkiye u aragta mid ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaatay taageerada iyo dib-u-dhiska dalka, halka Türkiye ay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Waxaa xusid mudan in 2026 ay sidoo kale ku beegan tahay 60-guuradii xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo rasmi ahaan la aasaasay 1960.



