Golaha Federaalka Koonfur Galbeed wuxuu maanta fariin degdeg ah u diray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo gargaarka bani’aadannimo.
Tallaabadan muhiimka ah waxaa loo qaaday sidii looga hortagi lahaa dagaal kale iyo dhibaato loo geysto shacabka Baydhabo. Waxaa nasoo gaaraya warar sheegaya in dadku bilaabeen inay magaalada ka barakacaan cabsi darteed. Waa arrin aan la aqbali karin in Baydhabo, oo muddo dheer ahayd magaalo nabdoon iyo hoyga boqollaal kun oo barakacayaal ah, mar kale laga dhigo goob dagaal.
Bulshada caalamku waa in ay si degdeg ah u farageliyaan. Waa in ay ilaaliyaan shacabka. Waa in ay joojiyaan colaadda. Waa in ay ka taageeraan dhinacyada wadahadal iyo xal dastuuri ah. Shacabka Baydhabo waxay xaq u leeyihiin nabad, ammaan iyo nolol karaamo leh.






