HomeWarkaDegdeg: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xalane gaaray, kulan degdeg ahna la leh...

Degdeg: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xalane gaaray, kulan degdeg ahna la leh saaxiibada caalamiga ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadda gaaray deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay inuu kulan degdeg ah kula yeelanayo safiirrada iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka baxay Villa Soomaaliya, isagoo u gudbay Xalane, halkaas oo ay ku sugan yihiin wakiillo iyo safiirro ka kala socda dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadaha sii kordhaya ee ku gadaaman hannaanka doorashada, iyadoo xilligan ay jiraan aragtiyo kala duwan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safiirrada iyo saaxiibada caalamiga ah kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshayaasha la xiriira doorashada iyo sidii loo yareyn lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay yeeshaan wadahadal iyo is-afgarad, si looga fogaado in khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn ku yeeshaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulanka Xalane uu yahay mid xasaasi ah, waxaana la filayaa in dhinacyada ka qeybgalaya ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xaaladda taagan iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo dejiyo xiisadaha siyaasadeed.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga sugayaa kulanka iyo natiijada kasoo baxda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments