Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda beeraleyda iyo caqabadaha ay wajahaan, iyadoo beeraleydu ay masโuuliyiinta la wadaageen cabashooyin la xiriira dhibaatooyinka ay sheegeen in Khawaarijta Al-Shabaab ay ku hayaan deegaannadooda.
Beeraleyda ayaa sidoo kale soo bandhigay waxyeellooyin ay sheegeen inay kasoo gaareen qaar ka mid ah howlgalladii amni ee ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka, iyagoo ka hadlay saameynta ay arrimahaasi ku yeesheen dadka rayidka ah iyo wax-soo-saarka beeraha.
Masโuuliyiinta dowladda ayaa si gaar ah u dhageystay cabashooyinka beeraleyda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta shacabka, hantidooda iyo wax-soo-saarka beeraha inta ay socdaan howlgallada amniga.
Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in cabashooyinka beeraleyda la diiwaangelin doono, lana gaarsiin doono hayโadaha ay khuseyso, si loo baaro dhacdooyinka la soo sheegay, loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay mid ka mid ah deegaannada muhiimka u ah wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyadoo amniga iyo ilaalinta beeraleyda ay muhiim u yihiin sii socoshada wax-soo-saarka iyo sugnaanta cunnada dalka.












