Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa dhagax-dhigay bilowga dhismaha Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS, kaas oo laga hirgelinayo deegaanka.
Dhismahan cusub ayaa ka koobnaan doona G+5, waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada maalgelinta, horumarinta warshadaha iyo fududeynta adeegyada loo fidiyo maalgashadayaasha.
Xafiiskan ayaa sidoo kale la filayaa inuu door ka qaato abuurista jawi ku habboon kobaca maalgashiga, horumarinta wax-soo-saarka iyo dhiirrigelinta maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa dibadda.
Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in sanadkan dowladda ay mudnaan gaar ah siisay horumarinta kaabayaasha magaalooyinka.
“Sanadkan lacagtii ugu badnayd ayaa loo qabtay horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, taasi waxa ay ka turjumaysaa ahmiyadda ay xukuumaddu siisay, waanuna sii xoojin doonaa.”
Mashruuca dhismaha Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha waxaa fulinaysa shirkadda Boqare General Contractor, waxaana qorshuhu yahay in lagu soo gabagabeeyo muddo hal sano iyo lix bilood ah.
Dhismahan ayaa ka mid noqonaya xarumaha casriga ah ee lagu horumarinayo adeegyada hay’adaha dowladda, iyadoo xukuumadda DDS ay xoogga saarayso dhismaha kaabayaasha taageeraya qorshayaasha horumarineed ee deegaanka.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha Axmed Shugri, Wasiirka Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha Axmed Rashiid, iyo marti-sharaf kale.
Mashruucan ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo adeegyada la xiriira maalgashiga iyo warshadaha, isla markaana lagu taageerayo dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka Dowlad-Deegaanka Soomaalida.











