HomeWarkaSoDMA iyo IRC oo Muqdisho ku Qabtay Shir Looga Hadlayo Diyaargarowga Fatahaadaha

SoDMA iyo IRC oo Muqdisho ku Qabtay Shir Looga Hadlayo Diyaargarowga Fatahaadaha

Muqdisho: Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Hay’adda International Rescue Committee (IRC), ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo qorsheynta iyo xoojinta diyaargarowga fatahaadaha ka dhalan kara roobabka la xiriira El Niño.

Shirka ayaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta qorsheyaasha diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha iyo qaadista tallaabooyin hore oo looga hortagayo khataraha fatahaadaha.

Waxaa shirka ka qeyb galay xubno ka socday SoDMA iyo IRC, hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ururrada maxalliga ah ee aan dowliga ahayn (Local NGOs), kuwaas oo si wadajir ah uga arrinsaday sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda, qorsheynta iyo u-diyaargarowga xaaladaha fatahaadaha ee la filayo.

Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray qiimeynta khataraha, qorsheynta jawaab-celinta degdegga ah iyo yareynta saameynta fatahaadaha, iyadoo la isla eegayo sidii hay’adaha ay khuseyso ay si wadajir ah uga hortagi lahaayeen saameynta ka dhalan karta roobabka xooggan.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaargarowga, ka-hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments