Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah u safri doona Itoobiya, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay meel xasaasi ah mareyso. Itoobiya ayaa horey xiriir iyo taageero ula lahayd madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, oo haatan ka maqan maamulka Baydhabo, isla markaana siyaasadda Koonfur Galbeed ay ka taagan tahay khilaaf xooggan.
Dhanka kale, dagaallo siyaasadeed iyo kuwo ciidan ayaa ka dhex taagan dhinacyada ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo madaxweynaha KGS Aadan Madoobe uu hadda ku sugan yahay Baydhabo.
Sidaas darteed, kulanka Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed ayaa indhaha lagu hayaa, waxaana su’aal ka taagan tahay in labada hoggaamiye ay xal ka gaari doonaan xaaladda Baydhabo iyo doorka Itoobiya ee khilaafka ka jira Koonfur Galbeed.



