ADDIS ABABA โ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Raโiisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.
Kulanka labada masโuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Labada dhinac ayaa isla eegay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay xoojiyaan iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raโiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa ku soo beegmaysa xilli Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasadeed oo u baahan iskaashi iyo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta dowladaha gobolka.
Kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Ahmed ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka, iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo dano dhowr ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.







