Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Shahiid Gaashaanle Xasan Tuure ee Balidoogle, halkaas oo lagu qabtay munaasabad lagu soo xirayay tababarka Dufcadda 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay heerka tababar iyo diyaargarowga ciidanka cusub ee Danab, kuwaas oo muddo tababarro ciidan oo gaar ah ku qaadanayay Dugsiga Tababarka Xasan Tuure.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa bogaadiyay dadaalka, anshaxa iyo hufnaanta ay muujiyeen ciidamadan muddadii uu socday tababarkooda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaariyo ciidan leh aqoon, tababar, anshax, karti iyo awood ay ku gutaan waajibaadka difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dufcadda 12-aad ayaa noqonaysa jiil cusub oo kamid noqda ciidamada Kumaandooska Danab, waxaana laga filayaa inay kaalin ka qaataan howlaha amniga iyo difaaca qaranka.
Ciidamadan ayaa muddadii tababarka lagu baray xirfado iyo aqoon ciidan oo gaar ah, kuwaas oo loogu talagalay inay u diyaariyaan howlgallo kala duwan oo la xiriira sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay doorka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin difaaca qaranka, sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiintu ciidanka cusub ku booriyeen inay ilaaliyaan anshaxa iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Dufcadda 12-aad ayaa hadda si rasmi ah ugu biireysa Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, iyadoo la filayo inay qayb ka noqoto ciidamada ka howlgala goobaha ay dowladda ka waddo dadaallada lagu sugayo amniga dalka.









































