HomeWarkaGuddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Aljeeriya gaaray

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Aljeeriya gaaray

Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya, Dr. Xasan Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna La-taliyaha Dhaqaalaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dr. Xasan Aadan Hoosow ayaa markii uu gaaray garoonka caalamiga ah ee magaalada Algiers waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Aljeeriya, Prof. Maxamed Bukhaari, iyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan, oo loo yaqaan Yuusuf Jeego.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dalka Aljeeriya uga qaybgalaya shirka Midowga Golayaasha Dhaqaalaha Carabta, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda iyo wakiillada golayaasha dhaqaalaha ee dalalka Carabta.

Sidoo kale, Dr. Xasan Aadan Hoosow ayaa ka qaybgalaya xafladda furitaanka kalfadhiga caadiga ah ee saddexaad ee Golaha Qaranka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Deegaanka ee Jamhuuriyadda Aljeeriya.

Shirka iyo munaasabadda ayaa lagu qabanayaa magaalada Algiers inta u dhexeysa 29-ka iyo 30-ka Sebtembar 2026, iyadoo looga hadlayo arrimo la xiriira dhaqaalaha, bulshada, deegaanka iyo iskaashiga hay’adaha dhaqaalaha ee dalalka Carabta.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madasha ayaa fursad u noqonaya in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, isla markaana Soomaaliya ay la wadaagto dalalka kale aragtiyada iyo qorshayaasha la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments