HomeWarkaSoomaaliya oo guul taariikhi ah kasoo Hooyisay Caalamka. 

Soomaaliya oo guul taariikhi ah kasoo Hooyisay Caalamka. 

Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, kaddib markii Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua).

Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin ayaa ka qayb-galay Meertada 42-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, oo lagu qabtay magaalada Dublin ee dalka Ireland.

Intii uu socday shirweynaha, Dr. Jalaaludiin ayaa soo bandhigay laba dhigaal cilmiyeed oo ku saabsan tayada adeeg-bixinta caafimaadka, isagoo sidoo kale ka qaybqaatay doodaha iyo falanqaynta ay sameeyeen khubaro caalami ah oo diiradda lagu saaray tayada daryeelka caafimaadka iyo badqabka bukaanka.

Doodaha shirweynaha ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka hoggaaminta ee horumarinta nidaamyada caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada caafimaad ee la gaarsiiyo bulshada.

Doorashada Dr. Jalaaludiin ee Golaha Sare ee La-talinta ee ISQua ayaa Soomaaliya u abuureysa fursad ay si toos ah uga qaybqaadato doodaha iyo talooyinka caalamiga ah ee la xiriira tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka.

Dr. Jalaaludiin ayaa golahan ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah, taas oo sare u qaadaysa ka qaybgalka Soomaaliya ee madasha caalamiga ah ee looga arrinsado tayada daryeelka caafimaadka.

Ka qayb-galka shirweynaha iyo doorashada Dr. Jalaaludiin ayaa sidaas darteed noqotay fursad muhiim ah oo Soomaaliya ay ku xoojin karto doorkeeda iyo ka qaybqaadashadeeda dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaadka iyo badqabka bukaannada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments