Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa howlgal ka dhan ah burcad-badeedda ku qaaday kooxo gacanta ku hayay markabka Honour 25, kaas oo la sheegay inuu u rarnaa ganacsato reer Puntland.
Howl-galka ayaa isku beddelay iska horimaad dhexmaray ciidamada PMPF iyo kooxaha burcad-badeedda, kaasi oo sababay dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.
Kadib dagaalka, ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay soo furtaan markabka, iyadoo kooxda burcad-badeedda lagala wareegay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada fuliyay howlgalka.
Markabkan ayaa kamid noqonaya maraakiibta ay kooxaha burcad-badeeddu afduubka u haysteen, kuwaas oo toddobaadkan ciidamada Puntland ay howl-gallo uga soo furteen, iyadoo iska horimaadyadii dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac, halka sidoo kale la xiray qaar kamid ah burcad-badeedda.
Howl-galka Honour 25 ayaa noqonaya kii labaad ee muddooyinkii dambe ay ciidamada PMPF ku beegsadaan burcad-badeedda, iyagoo awood u yeeshay inay soo furtaan markab ay kooxahaasi haysteen muddo toddobaad ah.
Soo furashada markabka ayaa sidoo kale meesha ka saartay dalabyo lacageed oo ay kooxaha burcad-badeeddu ku doonayeen in lagu sii daayo markabka iyo dadka la socday.
Burcad-badeeddu ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis sii kordhaya, iyadoo awooddooda ay hoos u dhacday kadib markii maraakiib ay afduub ku qabsadeen qaarkood si xoog ah looga soo furtay, halka qaar kamid ah kooxihii afduubka geystay la qabtay.
Si kastaba, Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howl-gallada lagu beegsanayo kooxaha burcad-badeedda, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay deegaanadeeda, iyadoo hadafka howl-gallada lagu sheegay in lagu soo afjaro burcad-badeedda



