MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad ka jeediyay bandhigga dalxiiska Soomaaliya, isagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta dalxiiska iyo doorka ay dowladda iyo bulshada ka qaadan karaan kobcinta fursadaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la xoojiyo wadajirka iyo iskaashiga lagu horumarinayo dalka, isagoo xusay in mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiintu ay mudnaanta siiyaan danta guud.
“Uma baahnin siyaasi dantiisa gaarka ah u duulaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in siyaasadda iyo hoggaanku ay u adeegaan danaha shacabka iyo horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada iyo dhinacyada ay khuseyso inay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa dalxiiska Soomaaliya, loogana faa’iideysan lahaa khayraadka dabiiciga ah, goobaha taariikhiga ah iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.
Bandhigga dalxiiska Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu muujinayo fursadaha dalxiis ee dalka iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa maalgashiga iyo ka qaybgalka bulshada ee horumarinta waaxda dalxiiska.



