HomeWarkaIiraan oo war cusub kasoo saartay xayiraada la saaray diyaaradeeda.

Iiraan oo war cusub kasoo saartay xayiraada la saaray diyaaradeeda.

Afhayeenka dowladda Iran ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xayiraadda lagu soo rogay duulimaadyada diyaaradaha Iran ay tahay “caddeyn muujinaysa cadaadiska Mareykanka”.

Fatemeh Mohajerani ayaa sheegtay in Iran ay hay’adaha caalamiga ah u gudbisay cabasho, isla markaana ay waddo tallaabooyin sharci iyo kuwo diblomaasiyadeed.

Madaxa Hay’adda Duulista Rayidka ee Iran, Abuzar Shiroudi, ayaa Isniintii sheegay inuu cabasho rasmi ah u gudbiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Qaramada Midoobay, ee ICAO, isagoo farta ku fiiqay xayiraadaha lagu soo rogay duulimaadyada Iran.

Shiroudi ayaa sheegay in cabashada lagu lifaaqay dukumentiyo faahfaahinaya saameynta xayiraaddu ku yeelatay duulimaadyada Iran.

Tan iyo toddobaadkii hore, markii cunaqabateyn cusub oo Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha Iran ay dhaqan gashay, garoomo diyaaradeed oo ku yaalla dalal dhowr ah ayaa joojiyay ama xaddiday duulimaadyada shirkadaha Iran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments