Xaaladda amni ee degmada Beledxaawo ayaa saacadihii lasoo dhaafay kacsaneyd, kaddib markii la soo sheegay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaannada ku dhow degmada.
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo dhaqaaqeen dhinaca Luuq iyo Doolow, iyagoo kusoo wajahan duleedka Beledxaawo.
Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay hoggaaminayaan saraakiil uu sheegay inay amar ka qaataan Dowladda Federaalka, isla markaana laga cabsi qabo in dhaqdhaqaaqooda uu horseedo iska horimaad cusub.
Wararka ayaa kusoo beegmaya xilli Beledxaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo ay muddooyinkii lasoo dhaafay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan maamulka Jubbaland. Gobolka ayaa horey uga dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamada labada dhinac.
Xaaladda ayaa hadda si dhow looga soo sheegayaa duleedka Beledxaawo, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada la geeyay ama ujeeddada rasmiga ah ee dhaq-dhaqaaqa cusub.
Dhinacyada siyaasadda iyo amniga ayaa horay ugu baaqay in khilaafaadka Gedo lagu xalliyo wadahadal, si looga fogaado in xiisadaha siyaasadeed ay isu beddelaan iska horimaad hubeysan.



