Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta dib-u-habeyn dhaqaale iyo maaliyadeed oo muhiim ah, iyadoo ay jiraan caqabado gudaha iyo kuwo caalami ah oo saameyn ku haya dhaqaalaha dalka.
Warbixin hordhac ah oo ay soo saareen shaqaalaha IMF ayaa lagu sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu 2.3 boqolkiiba gaari karo sannadka 2026, halka la filayo inuu kor ugu soo noqdo 2.7 boqolkiiba sannadka 2027, isla markaana uu gaari karo ku dhowaad 4 boqolkiiba muddada dhexe.
Koox ka socotay IMF oo uu hoggaaminayay Marwo Ran Bi ayaa wadahadallo la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nairobi intii u dhaxaysay 21-kii Sebtembar iyo 1-dii Oktoobar 2026, kuwaas oo ku saabsanaa La-tashiga Qodobka IV-aad (Article IV Consultation) ee Soomaaliya.
IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhaca gargaarka dibadda, xaaladaha cimilada ee daran, carqaladaha ganacsiga caalamiga ah, iyo khataraha ka dhasha isbeddellada gobolka. Hay’addu waxay xustay in arrimahan ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, sicir-bararka, sugnaanta cuntada iyo dakhliga dowladda.
Sida warbixinta lagu sheegay, sicir-bararka ayaa la filayaa inuu gaaro 6.5 boqolkiiba sannadka 2026, halka xawaaladaha dibadda ay weli yihiin il muhiim ah oo taageerta dakhliga qoysaska iyo helitaanka lacagaha qalaad.
IMF waxay tilmaantay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar ka sameysay ururinta dakhliga gudaha, xakamaynta kharashaadka iyo maamulka maaliyadda guud.
Shaqaalaha IMF waxay saadaaliyeen in hoos-u-dhaca miisaaniyadda uu noqon doono 0.9 boqolkiiba GDP-ga sannadka 2026, halka sannadka 2027 la filayo inuu hoos ugu dhaco 0.5 boqolkiiba GDP-ga.
Hay’addu waxay ku talisay in la dardargeliyo dib-u-habeynta dakhliga, gaar ahaan hagaajinta canshuuraha iyo kastamka, mideynta nidaamka canshuurta iibka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo kordhinta dakhliga aan canshuuraha ahayn.
IMF sidoo kale waxay muhiimad siisay xoojinta maamulka deynta, hufnaanta maaliyadda dowladda iyo maaraynta khataraha ka dhalan kara mashaariicda iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
IMF waxay sheegtay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu horumar ka sameynayo xoojinta kormeerka nidaamka maaliyadeed, nidaamka lacag-bixinta iyo ka-qaybgalka adeegyada maaliyadeed.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo nidaamka ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo dib-u-habeynta lacagta Soomaaliya ay weli tahay mudnaan qaran oo u baahan in si taxaddar leh loo sii wado.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa soo dhaweeyay natiijooyinka hordhaca ah ee IMF, isaga oo sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta maaliyadeed uu muujinayo in Soomaaliya ay ku socoto waddadii loo qorsheeyay.
“Waxaan ku faraxsanahay in dadaalladeenna ku aaddan horumarinta dib-u-habeynta maaliyadda ay miro dhalayaan. Soomaaliya weli waxay ku socotaa waddadii ay ku gaari lahayd koboc dhaqaale oo dhan 2.3% sannadka 2026 iyo 2.7% sannadka 2027, inkastoo ay jiraan caqabado caalami ah oo waaweyn oo saameynaya dhaqaalaha,” ayuu yiri Wasiir Biixi.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay sii wadi doonto mudnaanta ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, kordhinta dakhliga gudaha, xakamaynta iyo mudnaanta kharashaadka dowladda, xoojinta maamulka maaliyadda guud iyo maaraynta deynta, iyo sidoo kale horumarinta kormeerka iyo helitaanka adeegyada maaliyadeed.
IMF waxay sheegtay in muddada dhexe ay muhiim tahay in Soomaaliya xoogga saarto maamul wanaagsan, jawi ganacsi oo wanaagsan, helitaanka adeegyada maaliyadeed, maalgashiga raasamaalka aadanaha, kala-duwanaanshaha ganacsiga iyo dhoofinta, iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in taageerada joogtada ah ee saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaashu ay muhiim u tahay Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo dalka uu wajahayo khataro dhaqaale iyo kuwo cimilo.



