Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub (EU-Somalia Business Forum 2026), oo muddo laba maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho.
Madasha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday Midowga Yurub, bah-wadaagta horumarinta, hayโadaha maaliyadeed iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo Yurub, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay soo jiidato maalgashi caalami ah, gaar ahaan iyadoo laga faaโideysanayo kheyraadka dabiiciga ah, goobta istaraatiijiga ah ee dalka iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.
โSoomaaliya waxay diyaar u tahay in ay tiraahdo cid walba oo doonaysa inay dalkaan ka faaโideysato, nala saaxiibto, nala qaadato amniga iyo midnimada dalkeenna, gacmo furan kusoo dhawaada,โ ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay xoojinta amniga, dib-u-habeynta hayโadaha dowladda iyo dhismaha hannaan dhaqaale oo sugan oo lagu kalsoonaan karo, si loo abuuro jawi ku habboon maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, kheyraad macdaneed oo aan weli si buuxda looga faaโideysan, xoolo nool oo tiro badan iyo dhul-beereed ballaaran, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin fursado maalgashi oo muhiim ah.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada iyo xiriirka iskaashi ee ay la leeyihiin Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay maalgashadayaasha Yurub inay ka faaโideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.



