Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay Madasha Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, oo looga hadlayo horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda.
Madasha waxaa si rasmi ah u daahfuray Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Axmed Saacid Cumar, iyo sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, iskaashatooyinka kalluumeysatada iyo ganacsatada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta kalluumeysiga, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, kobcinta iskaashiga dowladeed iyo kan gaarka loo leeyahay, iyo sidii bulshada looga faa’iideyn lahaa kheyraadka badda ee ku teedsan xeebaha Jubbaland.
Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee ka qeybgalaya madasha ayaa sidoo kale fursad u helaya inay ka wada hadlaan caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo wax-soo-saarka kalluunka, shaqo-abuurka, maalgashiga iyo ganacsiga la xiriira dhaqaalaha badda.
Madashan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee badda iyo in kalluumeysiga laga dhigo laf-dhabar ka mid ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta nolosha bulshada xeebaha Jubbaland.

















