Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Sareeye Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Xareed Kilaas Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Masโuuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda amni ee deegaanka iyo halka ay marayaan howlaha dhismaha waddada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow, oo muhiim u ah isku socodka bulshada, gaadiidka iyo horumarinta adeegyada deegaanka.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka Amniga ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Guutada iyo Taliyeyaasha cutubyada Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee deegaanka. Saraakiisha ayaa masโuuliyiinta warbixin ka siiyay xaaladda amni, howlaha sugidda amniga iyo duruufaha ka jira goobaha uu ka socdo dhismaha waddada.
Wasiir Dhuumaal ayaa ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada sugidda amniga shacabka iyo ka hortagga amni-darrada, isagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta waddada iyo goobaha ku dhow ee ay ka socdaan howlaha dhismaha.
Kormeerka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Jubbaland ee lagu xoojinayo amniga, isku socodka bulshada iyo ilaalinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Jubbaland.














