HomeWarkaJubbaland oo Kismaayo ka bilowday dayactirka xarumo waxbarasho iyo caafimaad

Jubbaland oo Kismaayo ka bilowday dayactirka xarumo waxbarasho iyo caafimaad

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, oo kaashanaysa Maamulka Degmada Kismaayo, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigtay mashaariic lagu dayactirayo xarumo waxbarasho iyo caafimaad oo muhiim u ah bulshada.

Xarumaha dayactirka lagu samaynayo ayaa isugu jira laba iskuul oo ku kala yaalla Xaafadda Guulwade iyo Deegaanka Xaajiweyne, kuwaas oo muddo u baahnaa dib-u-habayn, iyo laba xarumood oo caafimaad oo ku kala yaalla Xaafadaha Calanley iyo Midnimo, kuwaas oo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siiya bulshada deegaanka.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Xoghayaha Dowladda Hoose iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xaafadaha.

Dayactirka ayaa lagu sameyn doonaa qaybo kala duwan oo ka mid ah xarumaha, iyadoo ujeeddadu tahay in la hagaajiyo xaaladdooda iyo tayada adeegyada ay bulshada u fidiyaan. Mashruuca waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Degmada Kismaayo, waxaana fulinaya Maamulka Degmada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland, Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, ayaa sheegay in xarumaha waxbarashada iyo caafimaadku ay muhiim u yihiin bulshada, isagoo xusay in Wasaaraddu mudnaan siinayso horumarinta iyo tayeynta adeegyada aasaasiga ah.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, dib-u-habeynta kaabeyaasha muhiimka ah iyo kor u qaadista tayada xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee Degmada Kismaayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments