HomeWarkaSheekh Shariif: โ€œXiisad siyaasadeed xoog laguma xallin karoโ€

Sheekh Shariif: โ€œXiisad siyaasadeed xoog laguma xallin karoโ€

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, dastuur iyo is-afgarad qaran.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xoog iyo hanjabaad aysan xal u noqon karin xiisadaha siyaasadeed, isagoo tilmaamay in dowladnimo lagu dhiso heshiis iyo wadatashi.

โ€œXoog laguma xallin karo xiisad siyaasadeed, hanjabaaduhuna ma abuuri karaan is-afgarad. Dowladna lagu dhisi karo xukun la fara-maroojiyo ee waxaa lagu dhisi karaa oo keliya wada-hadal, dastuur iyo is-afgarad qaran.โ€

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ay weli xooggan yihiin, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.ย 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments