Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala, kaddib saddex maalmood oo uu socday.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (Military Operations Other Than War – MOOTW), waxaana ka qaybgalay Taliyeyaasha Ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika, ururrada goboleed iyo hay’adaha ku hawlan hawlgallada nabad-ilaalinta.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay doorka ciidamada ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageerada bulshada, ilaalinta nabadda, ka jawaabista musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin adeegga iyo badbaadinta bulshada xilliyada kala duwan.
Shirku wuxuu sidoo kale fursad u ahaa Taliyeyaasha Difaaca Afrika inay is dhaafsadaan khibradaha iyo aragtiyada ku aaddan xoojinta iskaashiga, isku-duwidda iyo wada shaqaynta ciidamada qaaradda, gaar ahaan marka laga hadlayo hawlgallada ka baxsan dagaallada caadiga ah.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, oo shirka soo xiray, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda gabagabada, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada Afrika, si loo horumariyo awoodda qaaradda ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, musiibooyinka iyo hawlgallada nabad-ilaalinta.
Ka qaybgalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shirka ayaa muujinaya doorka iyo ka qaybqaadashada Soomaaliya ee dadaallada qaaradda Afrika loogu jiro xoojinta iskaashiga difaaca, nabadda iyo amniga.












