Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, dastuur iyo is-afgarad qaran.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in xoog iyo hanjabaad aysan xal u noqon karin xiisadaha siyaasadeed, isagoo tilmaamay in dowladnimo lagu dhiso heshiis iyo wadatashi.
โXoog laguma xallin karo xiisad siyaasadeed, hanjabaaduhuna ma abuuri karaan is-afgarad. Dowladna lagu dhisi karo xukun la fara-maroojiyo ee waxaa lagu dhisi karaa oo keliya wada-hadal, dastuur iyo is-afgarad qaran.โ
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ay weli xooggan yihiin, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.ย







