Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada TURKSOM.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in taageerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay muhiim u tahay dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo sugidda amniga shacabka.
Dhankooda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha TURKSOM ayaa xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan taageerada iyo tababarrada lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliyeed, si loo dardar geliyo howlgalada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, wasiirka amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, iyo saraakiil ka tirsan Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.




