HomeWarkaCIRRO OO XUSAY DADKII KU DHINTAY WEERARKII 11 SEP EE KA DHACAY...

CIRRO OO XUSAY DADKII KU DHINTAY WEERARKII 11 SEP EE KA DHACAY MAREYKANKA.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta booqday National 11SEP Pentagon Memorial ee magaalada Washington D.C., oo lagu xuso dadkii ku naf waayay weerarradii ee 11-kii Sebtembar 2001.

Madaxweyne Cirro ayaa intii uu ku sugnaa goobta xusuusta ku maamuusay 184-kii qof ee ku dhintay weerarkii lagu qaaday Pentagon-ka, isagoo muujiyay xushmad iyo tacsi uu u diray dhibbanayaashii iyo qoysaskoodii.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland, 25 sano kadib weerarradii 11SEP, ay weli xasuusan tahay dadkii ku naf waayay dhacdooyinkaas, isla markaana ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Maraykanka.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay mowqifka Somaliland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, isagoo sheegay in Somaliland ay taageersan tahay dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo kooxaha iyo falalka argagixisada.

Booqashada Madaxweyne Cirro ayaa xambaarsan farriin bani’aadamnimo iyo mid siyaasadeed, iyadoo ay kusoo beegantay xilli uu Washington D.C. ka wado kulamo uu diiradda ku saarayo xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga caalamiga ah.

National 11SEP Pentagon Memorial waxaa loo dhisay in lagu xuso 184-kii qof ee ku dhintay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, kuwaas oo isugu jiray dad ku sugnaa Pentagon-ka iyo rakaabkii diyaaraddii American Airlines Flight 77, oo ku dhacday dhismaha Pentagon-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments