Guddoomiyayaashii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadannimo ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatooyinka soo gaaraya shacabka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, barakac iyo carqalad ku timid nolosha iyo adeegyada bulshada.
Labada masuul ee hore ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda iyo iska horimaadyada hubeysan, ayna ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad, tanaasul iyo heshiis waara, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo badbaadinta shacabka iyo ilaalinta hantidooda.
Guddoomiyayaashii hore ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay qaadato door dhexdhexaadin, nabad-dhisid iyo isu-soo-dhoweyn, iyadoo la dhowrayo Dastuurka Federaalka, midnimada dalka iyo xuquuqda shacabka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen waxgaradka, culimada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda iyo abuurista jawi ku habboon wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin.
Waxay sidoo kale Beesha Caalamka iyo saaxiibbada Soomaaliya ka codsadeen inay taageeraan dadaallada nabadeed, isla markaana si dhow ula socdaan xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Koonfur Galbeed.
Labada guddoomiye ee hore ayaa ugu dambeyn sheegay in Koonfur Galbeed aysan u baahnayn dagaal kale, balse ay u baahan tahay wada-hadal iyo is-afgarad, iyagoo adkeeyay in dhiig daata uusan xal u noqon karin khilaaf siyaasadeed.
Baaqa ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo dhinacyada isku haya arrimaha maamulka iyo siyaasadda loogu baaqayo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta colaad iyo kala fogaansho hor leh.





